(Manchester) 05 Juunyo 2018 Tababare Pep Guardiola ayaa ka hadlay wararka Neymar la xiriirinaya kooxdiisa Manchester City iyo waliba Real Madrid.
Pep ayaa xaqiijiyay in Neymar uusan imaanayn Manchester City, wuxuuna intaa ku daray inay aad u adag tahay in PSG ay fasaxdo laacibkeeda.
Guardiola ayaa yiri:
“Neymar kama tagayo PSG, mana ku soo biirayo Manchester City”.
“Real Madrid? Ma garanayo inuu aadayo halkaas, waxaan ogahay oo kaliya inay aad u adag tahay in laga tago PSG, inkasta oo wax walba ay ka dhici karaan kubadda cagta”.
Waxaa xusid mudan in Neymar uu sheegay inuu aad u jecel yahay ka hoos ciyaarida tababare Pep Guardiola.
Gool FM