Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Arsenal oo Markii u Horeysay Cayaariyahan ku Lahaan Weysay Xulka France

$
0
0

( Russia ) 06 Juunyo 2018. Macalinka xulka France Didier Deschamps ayaa magacaabay xiddiga matalaya xulka waana markii u horeysay muddo 22 sana uusan kamid noqon qaranka laacib u cayaara kooxda Arsenal.

23 cayaariyahan ayaa lagu dhawaaqay khamiistii, xili dalka ku jira kaalinta 7-aad ee qiimeynta Fifa uu wajahado koobka adduunka ee ka furimi doona Russia.

Sida ay shaaca ka qaadeyso xog ay warisay majalada OptaJoe, ayaa tilmaameysa in kooxdii Arsene wenger ay saameyn weyn kula heyd qaranka.

Wenger wuxuu 22 sano maamule ka haa kooxda Arsenal, taa oo ka bilaabaneysa sanadkii 1996 ilaa 2018, balse gabagabadii shaqada Arsenal sido kale waxay meesha ka saartay xagaagan in qaranka France uu matalo xiddig Gunners ka mid.

Markii France ay ku guuleysatay koobka Qaramada Yurub sanadkii 2000, waxaa safkeeda kamid ahaa lix cayaartoy uu Wenger ku maamulayay Arsenal.

Taariikhdaas way sii wadan lahaayeen sanadkan hadeysan ka beecin laheyn Chelsea Olivier Giroud bishii January.

Giroud oo 31 jira ayaa u dhaliyay lix gool kooxda Chelsea wajigii labaad ee xagaaga wuxuuna taa ku kasbaday in loogu yeero safka uu xushay Deschamps.

Kabtanka Arsenal Laurent Koscielny ayaa lahaa fursad weyn uu ku matalo cayaaraha ka furmaya Russia laakiin nasiib xumo waxaa kusoo gaaray dhaawac Afar dhamaadkii koobka Europa League.

32 jirkaan ayaa ka maqnaan doona garoomada ilaa bartamaha xagaaga soo aadan.

Dhanka kale Alexandre Lacazette ayaa ina waayay booska uu matali lahaa waxaana badalkiisa weerarka France loo xushay Kylian Mbappe, Antoine Griezmann, Ousmane Dembele, iyo Giroud.

France ayaa wajihi doonta kulankeeda u dambeya ee la isugu diyaarinayo koobka adduunka xulka USA cayaar saaxiibtimo oo ka dhici doonta garoonka Stade des Lumieres maalinka sabtida.

Sidaa darteed waxay ku jiraan Group C oo ay qeyb kala tahay Australia, Peru iyo Denmark, iyagoo cayaartooda koowad ee tartanka la cayaari doona Socceroos dalka  lagu naaneyso ama Australia 16 June.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles