(PSG) 14 Juunyo 2018. Laacibka xulka Brazil iyo kooxda Paris Saint-Germain Neymar Jr ayaa wuxuu qirtay inuusan u qalmin qiimaha ay kula soo saxiixatay PSG, isagoo sheegay in mar walba uu doonayo inuu noqdo ciyaaryahan qaas ah.
Neymar oo da’adiisu tahay 26 jir ayaa ku yimid kooxda Paris Saint-Germain xili ciyaareedkii lasoo dhaafay aduun lacageed dhan 222 million euros, taasoo ka dhigtay inuu noqdo xidiga ugu qaalisan taariikhda kubada cagta.
Xidiga reer Brazil oo dhawaan kasoo laabtay dhaawac uu in mudo ah garoomada kaga maqnaa ayaa wuxuu la hadlay shabakada “spox” ee dalka Germany wuxuuna u muujiyay sida uusan ugu qalmin inuu noqdo xidiga ugu qaalisan taariikhda kubada cagta.
“Ma ihi mid ku faanaya qiimaha aan ugu soo dhaqaaqay kooxda Paris Saint-Germain, ama inaan ahay xidiga ugu qaalisan taariikhda kubada cagta”.
“Waxaan ku bixin lahaa aniga ahaan naftayda qiimo intaa ka yar, runtii uma qalmi aduun dhan 222 million euros”.
Sidoo kale Neymar ayaa la weydiiyay rajadiisa xulka Brazil iyo dhaawiciisii soo gaaray kahor koobka aduunka “Waxaan dareemay guuldarro, laakiin waxa ugu muhiimsan ayaa ah in wax walba ay waqtigooda imaanayaan”.
Gool FM.