(France) 16 Juunyo 2018. Halyayga xulka qaranka Sweden Zlatan Ibrahimovic ayaa wuxuu garab istaag xoogan u muujiyay saaxiibkiis hore kooxda Manchester United ee Paul Pogba, kadib markii uu xulkiisa France ku hogaamiyay 2-1.
Paul Pogba ayaa wuxuu xiliyadii lasoo dhaafay la kulmay dhaleeceen xoogan ee kaga timid dhanka jamaahiirta reer France, sababa la xiriira inuusan soo bandhigin qaab ciyaareed aan fiicneen, hadii ay ahaan lahayd Manchester United iyo xulka qarankiisa
Laakiin goolkii uu ka dhaliyay xulka Australia kulankii ay maanta kaga daah furteen koobka aduunka ayaa u muuqda in ay xaalada wax uun ka badali karaan.
Ibrahimovic ayaa kulanka kadib saxaafada la wadaagay: “Warbaahinta ayaa ka hor timid Pogba, kadib markii ay soo uruurisay daqaalo badan, adadku way ku xasidayaan”.
“Si fiican oo aad u dhaw ayaan u garanayaa Paul Pogba, wuxuu doonayaa inuu heerkiisa sii wanaajiyo”.
“Marka aan arko silsiladaha halkan iyo halkaas waxaan ka war qabaa in ay arintan sabab u tahay maseeyr iyo xaasidnimo”.
Gool FM.