(Paris) 17 Juunyo 2018 Kooxda reer France ayaa markale dib u soo celisay xiisaha ay u qabto saxiixa kubadd burburiyaha kooxda Chelsea ee N’Golo Kante.
Agaasimaha ciyaaraha kooxda PSG ayaa loo diray magaalada London si uu wadahadal u la galo kooxda Chelsea kaas oo ku aadan iibka N’Golo Kante sida ay baahisay Daily Star.
PSG ayaa u aragta N’Golo Kante inuu yahay badalka ku haboon ee Thiago Motta kaas oo ka fariistay kubadda cagta xiliciyaareedkii dhamaaday.
Chelsea ayaa doonaysa inay sii haysato laacibkeeda N’Golo Kante, laakiin PSG ayaa dadaal ku bixinaysa sidii ay u la wareegi lahayd suuqa xaggaagan.
Gool FM