(Paris) 07 Abriil 2016. Weeraryahankii hore ee Arsenal Sylvain Wiltord ayaa barihiisa bulshada toddobaadkan uga dhawaaqay in uu dib ugu soo laabanayo kubadda cagta oo hore uga fariistay.
Hada oo uu 41 sano jir yahay, warbixin dheeri ah lagama hayo soo laabshada Wiltord.
Arbacaddii, laacibkii reer France waxa uu soo dhigay Twitter-kiisa warbixintan:
Kaddib markii aan si qoto dheer uga fekeray, waxaan go’aansaday in dib ugu soo laabto kubadda cagta. Waxaan qabanaaa shirkeyga jaraa’id 20-ka bisha Abriil.
Ma cada kooxda shaqo siin doonta Wiltord iyo in uu bashaal u soo laabanayo.
Wiltord waligii wadnaha jamaahiirta Arsenal boos ayuu ku lahaan doono kaddib markii uu la qaaday laba Premier League iyo laba FA Cup sanadihii u dhexeeyey 2002-04.
Waxaa xusuus gaar ah leh goolkii uu Old Trafford ugu dhaliyey Arsenal ee ay 2002 ku qaaday Premier League.
Weeraryahankii France waxa uu ugu dambeyn dhaliyey 49 gool 175 jeer oo uu u saftay kooxda Wenger.
Gool FM.