(Paris) 07 Abriil 2016 Madaxwaynaha xiriirka kubadda cagta yurub ee shaqada laga joojiyay Michel Platini ayaa ka hadlay laacibka ay isku dalka yihiin ee Karim Benzema kaas oo qaranka looga saaray fadeexad uu sameeyay.
Michel Platini ayaa sheegay in xulka qaranka France uusan u dhutin doonin weerar yahanka kooxda Real Madrid Karim Benzema kaas oo haatan shaki uu ku jiro inuu ka qayb qaadan karo Euro 2016.
Platini ayaa qiray in Karim Benzema uusan ahayn laacib wayn isla markaana xulku uusan la’aantiis socon karin wuxuuna cadeeyay in xulku uu la’aantiis qaban karo shaqo aad u fiican.
“Benzema fal anshax xumo ah ayuu kula kacay saaxiibkiis Valbuena, haddii laga saaro xulka qaranka, waxaan aaminsanahay in xulku uuqaban doono shaqo fiican” ayuu u sheegay saxaafada.
“Waxaa jira laacibiin u ciyaara kooxo waa wayn isla markaana aadan dhihi karin waa laacibiin waa wayn, Benzema ma ahan laacib wayn marka lala barbardhigo Ronaldo”.
Gool FM