(Italy) 06 Maajo 2016. Waxaa la warinayaa inay sii xumaaneyso xaaladda xiddiga qadka dhexe ee kooxda PSG iyo xulka Talyaaniga Marco Verratti waxayna u muuqataa inuu seegi doono Euro 2016.
23-jirka ayaa ka maqnaa garoomada dhowr usbuuc sababo la xiriira dhaawac gumaarka ah.
Verratti ayaa la filayay inuu dib u soo laabto qeybaha ugu dambeeya ee xilli ciyaareedkan, laakiin waxay u muuqataa inuu soo wariyay inuu dareemayo xanuun markale arbacadii isla markaana noqotay inuu joojiyo tababarka.
Sida ay sheegeyso La Gazzetta dello Sport waxay u badan tahay inuu seegi doono Euro 2016 ilaamaa uu si dhaqsi leh kusoo kabsado.
Kooxaha PSG iyo xulka lagu naaneyso Azzurri ayaa la sheegayaa inay isku khilaafsan yihiin sida ugu wacan ee loo dawayn karo da’yarkan xariifka ah, waxaana xalka ugu fiican noqon kara in qalliin la marsiiyo Verratti isla markaana waqtiga xagaaga uu u qaato soo kabsasho.
Gool FM.