(Paris) 19 Juunyo 2018 Neymar ayaa niyad jabiyay kooxdiisa PSG oo kaliya hal xiliciyaareed uu la qaatay kadib markii ay 222 milyan oo euro ay uga soo iibsatay Barcelona xaggaagii hore.
Barnaamijka El Chiringuito ayaa daaha ka qaaday in Neymar uu u sheegay milkiilaha PSG ee Nasser Al-Khelaifi inuu go’aansaday ka tagista kooxda suuqa xaggaagan.
Neymar ayaa go’aan kaan u gudbiyay Nasser Al-Khelaifi intii lagu guda jiray dabaal dagii kooxdu ay u dabaal dagaysay ku guulaysiga horyaalka Faransiiska.
Laakiin Nasser Al-Khelaifi ayaa u soo gaabiyay warka xiddiga reer Brazil, wuxuuna ku yiri: “Halkaan kama tagaysid”.
Nasser Al-Khelaifi ayaa diiday go’aanka Neymar, wuxuuna u sheegay inuu niyadiisa ka saaro fikirka ah inuu xaggaagan ka tago kooxda reer France.
Qorshaha Neymar ayaa ah inuu ku biiro Real Madrid marka uu ka tago kooxda PSG.
Gool FM