(PSG) 09 Luulyo 2018. Maamulka kooxda Paris Saint-Germain ayaa ka fiirsanaya fikradda ah inay la soo saxiixdaan xidiga reer Uruguay iyo kooxda Barcelona ee Luis Suarez xagaaga soo aadan si ay u xoojiyaan weerarka kooxda.
Wargeyska reer Catalonia ee “Sport” ayaa wuxuu sheegay in maamulka kooxda PSG ay doonayaan in ay jawaab cad ay ka bixiyaan codsiga laacibkooda Neymar Jr ee ahaa in Luis Suarez la keeno garoonka Parc des Princes.
Neymar Jr ayaa xiiseenaya in Luis Suarez ay ka wada ciyaraan kooxda PSG maadaama Edison Cavani lala xiriirinayo inuu ka dhaqaaqo garoonka garoonka Parc des Princes.
Warkan kasoo yeeray kooxda PSG ayaa waxay cadeen u tahay in ay doonayaan in kooxda ay ka fasaxaan Edison Cavani si ay badalkiisa ay u helaan Luis Suarez, sababa la xiriira cabsi ay ka qabaan inuu ku dhaco sharciga dhaqaala wanaaga.
Waxaa xusid mudan in xidigaha Neymar Jr iyo Luis Suarez ay si wada jir ah kaga soo ciyaareen kooxda Barcelona, waxayna kusoo guuleysteen koobab afara badan.
Gool FM.