(Madrid) 13 Luulyo 2018 Real Madrid ayaa si wayn loo la xiriiriyay Neymar kadib markii kooxdu ay iska fasaxday Cristiano Ronaldo.
Shalay ayaa la baahiyay in Real Madrid ay wakiilo u dirtay dalka Brazil si ay ugu qanciyaan Neymar inuu noqdo badalka Ronaldo.
Real Madrid ayaa haatan soo saartay bayaan ay ku beeninayso wararkaas, waxayna sheegtay inay si toos ah ula hadlaysoo PSG haddii ay u baahato saxiixa Neymar.
Bayaanka Real Madrid ayaa u qornaa sidaan:
“Marka la fiiriyo Wararka isla xiriirinaya laacibka PSG ee Neymar JR iyo kooxdeena, Real Madrid waxay cadaynaysaa inaysan ka go’nayn inay wax dalab ah u gudbiso laacibka”.
“Xiriir fiican ayaa ka dhexeeya labada kooxood, haddii Real Madrid waqti uun ay ku fikirto saxiixa laacibka PSG waxa ugu horeeyo ee kooxdu ay samaynayso ayaa ah inay la hadasho kooxdiisa”.
Gool FM