(Moscow) 15 Luulyo 2018 Weerar yahanka xulka qaranka France ee Kylian Mbappe ayaa loo doortay da’yarkii ugu fiicnaa koobka adduunka ee 2018.
Kylian Mbappe ayaa qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay koobka adduunka, isaga oo gool ka dhaliyay kulankii Final-ka.
19 jirkaan ayaa wacdaro ku soo bandhigay koobka adduunka, FIFA ayaana gudoonsiisay abaal marinta da’yarkii ugu fiicnaa koobka adduunka.
Qayb wayn ayuu ka qaatay in xulka France uu ku guulaysto koobka adduunka 20-sano kadib.
Gool FM