(Yurub) 15 Luulyo 2018. Samuel Umtiti ayaa iska diiday inuu matalo xulka qaranka Cameroon, sababa la xidhiidha inuu doonayay xirashada maaliyada xulka France
Halyayga reer Cameroon ee Roger Milla ayaa ku qalqaaliyay Samuel Umtiti inuu u ciyaaro xulka qaranka Cameroon, laakiin Umtiti ayaa iska diiday inuu go’aankaas qaato.
“Waxaan halkaas joogay labo jeer oo kaliya, Waa qayb ka mid ah xididdadeyda, laakiin ma xasuusto sida aan halkaan ugu noolahay, waxaan doonayay inaan difaaco midabada France”.
“Waa arrin macquul ah ee iska caadi ah inaan u ciyaaro xulka France, waxaan ku koray halkan waxaan la tababaray oo aan la ciyaaray dhamaan da’a walba ee ciyaartoyda faransiika ah”.
Gool FM.