(Moscow) 16 Luulyo 2018 Koobka adduunka ee 2018 ayaa laga diwaan galiyay dhacdo aan wali horay u soo marin koobabkii adduun ee ka horeeyay.
Laacib aan waligiis garoon u galin xulkiisa ayaa xalay ku guulaystay koobka adduunka, taas oo ah dhacdo aan wali horay u dhicin.
Goolhayaha kooxda PSG iyo xulka qaranka France ee Alphonse Areola ayaa noqday laacibkii ugu horeeyay ee ku guulaysta koobka adduunka isaga oo aan waligiis garoon u galin xulkiisa.
Alphonse Areola ayaa qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay kooxda PSG, tababare Didier Deschamps ayaana ku darsaday liiska xiddigihii uu u soo xushay koobka adduunka, taas oo ahayd markii ugu horaysay ee looga yeero xulka France.
Laakiin hal mar xitaa garoon lama soo galin 7-dii kulan ee uu ciyaaray xulka qaranka France sidaas oo ay tahay wuxuu u dabaal dagay ku guulaysiga koobka adduunka.
Gool FM