(World) 21 Luulyo 2018. Labada ciyaaryahan ee aan idiin soo gudbin doonno waxaan ku tilmaami karnaa kuwii ugu nasiibka badnaa kubadda cagta waqtigaan, maxaa yeelay nasiibkooda ayaa ku hoggaamiyey koobab ay xiddigaha qaar ee kubadda cagta gaari la’yihiin.
>- Ciyaaryahanka koowaad waa Kingsley Coman oo ka tirsan Bayern Munich, kani waa xiddig ku guuleysanaya horyaal xilli ciyaareed kaasta xirfaddiisa ciyaareed ee sare.
Waa 22-sano jir waxaana saddex kooxood oo ka kala dhisan saddex waddan uu horyaal kula guuleysatay waana PSG, Juventus iyo Bayern Munich oo ka kala dhisan Waddamada Faransiiska, Talyaaniga iyo Jarmalka.
PSG ayuu la qaaday horyaalka Ligue 1 labo xilli ciyaareed oo xiriir ah waana 2012/13 iyo 2013/14.
Waxa uu aaday Coman horyaalka Serie A Talyaaniga waxaana uu horyaalkaas kula guuleystay kooxda Juventus xilli ciyaareedkii xigay waana 2014-15.
Kaddib waa uu ka soo tagay waxaana horyaalka Bundesliga Jarmalka uu la qaaday saddex xilli ciyaareed oo xiriir ah kooxda uu haatan ka tirsan yahay ee Bayern Munich, waana 2015-16, 2016-17 iyo 2017-18.
Xilli ciyaareedkan cusub ee 2018-19 ayuu eegayaa inuu ku guuleysto horyaalkiisii todobaad ee xirfaddiisa ciyaareed weliba si xiriir ah, waa ciyaaryahan nasiib badan runtii maadaama uu xilli ciyaareed kasta ku guuleysano horyaal.
>- Ciyaaryahanka kale ee isaguna nasiibka la saaxiibka ah waa goolhayaha kooxda PSG iyo xulka qaranka Faransiiska ee Alphonse Areola, waxaana uu xulkiisa kula guuleystay Koobka Adduunka 2018 isagoo aan u ciyaarin.
Alphonse Areola ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horreeyey 36 sano kaddib ee ku guuleysta Koobka Adduunka isagoo aan xulkiisa hal daqiiqo xitaa u ciyaarin!.
Goolhaye Alphonse Areola ayaa ahaa dooqa saddexaad ee macallin Didier Deschamps ee Koobka Adduunka 2018, isagoo xitaa aan fursad hal daqiiqo ah u helin inuu xulkiisa France u metelo Koobka Adduunka ee lagu qabtay dalka Ruushka.
Goolhaye Giovanni Galli ayaa sidaan oo kale horay u sameeyey Koobkii Adduunka 1982-kii, waxaana uu xulkiisa Talyaaniga la qaaday Koobka Adduunka isagoo aan u ciyaarin.
Alphonse Areola waa ciyaaryahan kale oo aad u nasiib badan maadaama isagoo aan hal kulan xitaa ciyaarin uu hantay tartanka ugu weyn kubadda cagta ee Koobka Adduunka, kaasoo xitaa aysan haysanin ama ku guuleysan xiddigaha ugu sarreeya kubadda cagta waqtigan ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.
Gool FM.