(Paris) 21 Luulyo 2018. Xulka qaranka Faransiiska ayaa isbedel ku sameeyey maaliyadda uu ku ciyaaro kaddib markii uu ku guuleystay Koobka Adduunka 2018.
Faransiiska ayaa hantay Koobka Adduunka 2018, kaddib markii kulankii Final-ka tartankan oo ka dhacay Waddanka Ruushka ay 4-2 uga adkaadeen Croatia.
Xulka Les Blues lagu naanayso ayaa maaliyaddiisa labo xiddig halka naaska dushiisa ku beegan kaga dhajiyey, maadaama markii hore uu halkaas ku dhegganaa hal xiddig uun.
Xulka France ayaa xiddigaan labaad oo ay ku dhejiyeen maaliyaddooda ula jeeda inay ku guuleysteen Koobkoodii labaad ee Adduunka, madaama koobkan ay horay ugu guuleysteen 1998-dii.
Waxa uu xul walba maaliyaddiisa ku muujiyaan inta koob Adduun oo uu haysto, xulka France ayaana markaan ku muujinaya maaliyaddiisa inuu haysto labo Koob Adduun.
Antoine Griezmann ayaa ahaa xiddigii ugu horreeyey ee ka tirsan xulka France oo soo bandhigay maaliyaddaan xulka France ee ay labada xiddig ku xardhan tahay.
Haddaba kaddib maaliyadda xulka Faransiiska waxaa ka soo muuqan doona labo xiddig, halkii markii hore ay ku xardhanayd hal xiddig oo qura.
Gool FM.