(Real Madrid) 23 Luulyo 2018. Neymar Jr ayaa u hambalyeeyay xidigaha Vinícius Jr iyo Rodrigo kadib markii ay ku biireen kooxda reer Spain ee Real Madrid.
Neymar Jr ayaa dhawaan shaaca ka qaaday inuusan meelna uga soconin kooxda Paris Saint-Germain, kadib markii ay soo baxeen warar ku aadan inuu u dhaqaaqi doono garoonka Santiago Bernabéu ee kooxda Real Madrid.
Laakiin xidiga No. 10-aad ee xulka Samba ayaa ugu hambalyeeyay saaxiibadiis heshiiska ay ugu biireen kooxda Real Madrid.
“Waxaan la hadlay Vinícius Jr iyo Rodrigo, waxaan kagahambalyeeyay ku biiristooda kooxda Real Madrid iyo talaabada ay qaadeen”
“Waxaan rajeynayaa inay guulo badan gaari doonaan islamarkaana goolal badan dhalin doonaan”.
“Laakiin uma rajeenayo inay sidaas ku sameeyaan kooxda PSG”.
Gool FM.