(Paris) 23 Luulyo 2018 Kooxaha Juventus iyo PSG ayaa u heshiiyay kooxda tababare Valverde ee Barcelona oo doonaysa dhamaystirka saxiixa Adrien Rabiot.
Shabakada Premium Sport ayaa daaha ka qaaday in kooxaha Juventus iyo PSG ay isku afgarteen inay is dhaafsadaan Adrien Rabiot iyo Miralem Pjanic.
PSG ayaa diyaar la ah lacag dhan 30 milyan oo euro oo lagu daray Adrien Rabiot si ay ula wareegto suuqa xaggaagan xiddiga reer Bosnia ee Pjanic.
Heshiiskaan ayaa khiyaano u muuqda maadaama Barcelona ay PSG kula jirto wadahadal ay ku doonayso 23 jirka reer France ee Adrien Rabiot.
Laacibka qudhiisa ayaa dadaal ugu jira sidii uu uga tagi lahaa PSG isla markaana wuxuu heshiis la gaaray Barcelona, laakiin kooxdiisa ayaa u isticmaalaysa wadadii ay ku soo xerogalin lahayd Miralem Pjanic.
Gool FM