(Paris) 28 Luulyo 2018 Tababaraha kooxda PSG ee Thomas Tuchel ayaa ka dhawaajiyay hadal jees jees u muuqday oo uu ka yiri Arsenal kadib guul daradii ka soo gaartay galabta.
Tuchel ayaa ku dooday in ciyaartoydiisa safka hore ay kawada qayb galeen koobka adduunka sidaas darteedna ay u seegeen kulankii galabta.
Wuxuuna si jees jees ah u sheegay in Arsenal ay ka ciyaarayso Europa League xiliciyaareedka cusub taas oo uu ula jeeday inaysan uga adkaadeen 5-1 haddii uu haysto safkiisa hore.
Tababare Tuchel ayaa la waydiiyay in guusha Arsenal ay sabab u ahayd maqnaashaha ciyaartoyda safka hore ee PSG, wuxuuna yiri:
“Haa, taasi waa mid iska cad, waxaan rumaysanahay inay ka ciyaarayaan Europa League xiliciyaareedka cusub, soo sidaas ma ahan?.
“Waa sax oo waqtigaan ma ahan waqtigii la samaynayay cudur daar, waa inaan soo bandhignaa wax walba oo karaankeena ah laakiin taasi waa ay adag tahay marka ay kuu ciyaarayaan ciyaartoy da’doodu tahay 16 ilaa 17 jir, markale ayaan ciyaaraynaa labo maalin kadib”.
Gool FM