(London) 29 Luulyo 2018 Weerar yahanka kooxda Chelsea iyo xulka France ee Olivier Giroud ayaa laga doonayaa horyaalka dalkiisa.
Kooxda Olympique de Marseille ayaa u soo weecatay saxiixa Olivier Giroud suuqa xaggaagan kadib markii ay ka hartay doonista Mario Balotelli.
Sky Sports ayaa daaha ka qaaday in kooxda Olympique de Marseille ay diyaar u tahay inay wada xaajood la gasho Chelsea maadaama qandaraaska Giroud uu ka harsan yahay kaliya hal sano.
Chelsea ayaa laga yaabaa inay aqbasho dalabka kooxda reer France laakiin waa haddii kooxdu ay soo xerogaliso weerar yahanka Juventus ee Gonzalo Higuain.
Gool FM