(Paris) 23 Maajo 2016 Goolhayaha reer Talyaani ee kooxda PSG Salvatore Sirigu ayaa ka qayliyay qorshe ay ku cayrinayso kooxdiisa reer France.
29 jirkaan ayaa booskiisa u waayay goolhayaha reer German ee Kevin Trapp, wuxuuna sheegay in koooxdu ay jeceshahay inay iska fasaxdo isaga.
“PSG waxay doonaysaa inay banaanka iisaaraan, inkasta oo aanan aad ula tartamayn Kevin Trapp” ayuu u sheegay L’Equipe.
“Waxaan dareemay niyad jab, ma doonayo inaan sii joogo, laakiin heshiiskayga PSG waxaa iiga harsan 2-sano”.
Salvatore Sirigu ayaa diirada u saaran kooxo badan oo ka dhisan talyaaniga, waxaana suuro gal ah inuu ka soo muuqdo SerieA xiliciyaaredka dambe.
Gool FM