(Turin) 14 Agoosto 2018 Juventus ayaa dardargalisay tartanka ay ugu jirto saxiixa laacibka qadka dhexe ee PSG iyo xulka France ee Adrien Rabiot.
Tilaabada Juventus ay qaadayso haatan ayaa imaatay xili laacibku uu iska diiday inuu heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa PSG.
TuttoMercato ayaa daaha ka qaaday in Juventus ay diyaar u tahay inay miiska saarto lacag u dhexeysa 40 ilaa 50 milyan oo euro si ay ugu qanciso PSG iibka Adrien Rabiot.
Juventus ayaa u weecatay saxiixa Adrien Rabiot kadib markii ay ku guul daraysatay dhamaystirka saxiixa Paul Pogba.
Gool FM