( Lugue 1 ) 18 Agoosto 2018. Kylian Mbappe ayaa dhaliyay laba gool kaddib soo laabashadiisa fasaxa xagaaga kulankii ay Paris St-Germain 3-1 ku garaacday dhigeeda Guingamp cayaar qeyb ka ah horyaalka Ligue 1.
Da’yarkaan 19-jirkaa ayaa keydka ka yimida wuxuuna dhaliyay laba gool siddeedii daqiiqo ee ugu dambeeysay kulanka, kaddib markii uu Neymar barbareeyay gool lagu hor kacayay kooxda PSG daqiiqadii 52-aad kasoo ahaa rigoore.
Mbappe, ayaa la nasiyay ascuubii hore kulankii furitaanka ay kooxda la cayaartay Caen, wuxuuna ahaa mid dheeshan ka qeyb noqday kaambiyaha dmabe.
Xiddigaan ayaa afar gool ka dhaliyay cayaarihii koobka adduunka uu xulkiisa France la qaaday waxaan sido kale loo magacaabay da’yarkii ugu wanaagsanaa tartanka.
Guushan ayay PSG kaga dhigan tahay in si awood leh ay ku bilaabatay horyaalka xagaagan waxayna lee yihiin 6 dhibcood laba kulan ay dheeshay, inkastoo kooxda difaacaneysa horyaalka iyaga looga hormaray goolka kulankan waxaana ka dhaliyay Nolan Roux markii cayaartu socotay 20 daqiiqo.
Kaddib cayaarta, goolhayaha PSG Gianluigi Buffon, kasoo kulankiisii ugu horreeyay cayaaray asbuucii hore ayaa maaliyada ka badashay xiddiga Guingamp Marcus Thuram oo 21 jira waana wiilka daaficii hore Lilian Thuram.
Lilian ayaa ahaa ninka ugu safashada badan qaranka French wuxuuna u cayaaray 142 kulan –isagoo dhanka kale lasoo cayaaray Buffon xiligadii kooxaha Parma iyo Juventus, waxayna si wadajira ugu wada guuleysteen laba horyaalka Serie A iyagoo dhinaca kale kamid ahaa kooxdii ku guuldarreysatay finalka koobka Champions League 2003.
Gool FM.