(Munich) 23 Agoosto 2018 Bayern Munich ayaa diyaarisay qorshe cusub oo u suurogalinaya inay iska dirto suuqa xaggaagan daafaceeda Jerome Boateng.
Sida muuqata 29 jirkaan dhaawaca badan ayeey qaati ka taagan tahay Bayern Munich, waxaana haatan aad u doonaya kooxda PSG.
Wargayska Kicker ayaa baahiyay in Bayern Munich ay go’aamisay inay yarayso qiimaha suuqa ee Jerome Boateng si ay u hesho koox la wareegta.
Bayern Munich ayaa markii hore ku doonaysay Jerome Boateng lacag dhan 50 milyan oo euro, laakiin haatan waxay ku doonayaan lacag u dhexeysa 40 ilaa 30 milyan oo euro.
PSG ayaa xiriir joogto ah la samaysa Jerome Boateng si ay ula wareegto suuqa xaggaagan.
Gool FM