(Paris) 27 Agoosto 2018 Waxaa soo baxay warar sheegaya in PSG ay dalab ka gudbisay daafaca kooxda Atletico Madrid ee Filipe Luis.
Laakiin warkaas waxaa beeniyay kooxda Atletico Madrid oo si cad u sheegtay inuusan jirin dalab uga yimid kooxda reer France.
Qandaraaska Filipe Luis ee Atletico Madrid ayaa lagu burburin karaa lacag dhan 30 milyan oo euro, PSG ayaana ku qasban inay bixiso lacagtaas haddii ay doonayso saxiixa 33 jirkaan.
Filipe Luis ayaa boos joogto ah ka waayay kooxdiisa Atletico Madrid, waxaana booska ka saaray 22 jirka reer France ee Lucas Hernandez.
Atletico Madrid ayaa dhanka kale ku qasban inay iska iibiso Filipe Luis maadaama qandaraaskiisu uu dhacayo dhamaadka xiliciyaareed kaan.
Gool FM