(PSG) 27 Agoosto 2018. Laacibka reer Brazil iyo kooxda Paris-St Germain ee Neymar Jr uu xaqiijiyay in hadii ay dhacdo in ay kulan isaga horyimaadaan mustaqbalka kooxdiisii hore ee Barcelona ay ku noqon doonto xaalad adag ee xanuun badan.
“Aad ayay iigu adkaan doontaa inaan ku wajaho Barcelona tartanka Champions League”.
Neymar Jr ayaa maanta markale booqday xerada tababarka ee kooxda Barcelona ay saaxiibadiis hore ugu diyaar garoobayeen kulankooda saddexaad horyaalka La Liga ay ku ciyaari doonaan isbuuca soo aadan.
Wargeysyada Isbaanishka iyo Faransiiska ayaa Isniintii maanta sheegay in Neymar Jr uu ku sugan yahay dalka Spain, si uu xayeesiino ganacsi ugu sameeyo caasimada Madrid iyo gobolka Catalonia.
Gool FM.