Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

“Waxaan u hogaansamayaa baaritaanka gudiga anshaxa, waxaana difaaci doonaa nafteyda”… Mbappé

$
0
0

(PSG) 02 Seb 2018. Weeraryahanka kooxda Paris-St Germain Kylian Mbappé ayaa muujiyay sida uu kaga xun yahay kaarkii roosaha uu qaatay kulankii Nimes ee horyaalka France – Ligue 1.

Paris Saint Germain ayaa kulankan guul muhiim ah ku gaartay 4-2, wuxuuna kulanka kadib Kylian Mbappé sheegay inuusan u qalmin inuu qaato kaarka roosaha isla markaana uu naftiisa difaaci doono.

“Marka aad ka ciyaareyso koox weyn sida Paris-St Germain oo kale, waa inaadan aad u xanaaqin, ama aysan saameyn kugu yeelan kacdoonada, hadii kale waxaad qaadan doontaa kaarka roosaha kulan kasta”.

“Waxaan ka raali galinayaa Jamaahiirta, waxaanan u maleynayaa inaanan mar kale samayn doonin dhacdadan oo kale”.

“Waxba igama galin, waxaan arintan ku hor qiri doonaa gudiga anshaxa, waxaana difaaci doonaa nafteyda”.

Waxaa la filayaa in gudiga anshaxa ee ururka Naadiyada Faransiisku ay kulmi doonaan Arbacada, si ay u ansaxiyaan ganaaxa uu mri lahaa Kylian Mbappé, kadib markii uu qaatay kaarka roosaha ee toos ah inta lagu jiray kulankii Nimes.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles