Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Didier Deschamps oo u yeeray daafac dheeraad ah kadib dhaawicii Varane

$
0
0

(Paris) 23 Maajo 2016 Tababaraha xulka qaranka Faransiiska Didier Deschamps ayaa u yeeraya daafaca kooxda Sevilla iyo xulka France Adil Rami.

30 jirkaan ayaa wacdaro soo muujiyay xiliciyaareed kan isaga oo ka caawiyay kooxdiisa inay ku guulaysato Europa League markii 3-aad oo xiriir ah.

Didier Deschamps ayaa go’aansaday inuu u yeero Adil Rami maadama uu dhaawacmay daaficii kooxda Real Madrid Raphael Varane kaas oo shaki lagalinayo taam ahaanshihiisa Euro 2016.

Tababare Deschamps ayaan wali ku dhawaaqin kooxdiisa kama danbaysta ah ee ka kooban 24-laacib, Rami ayaana lagayaabaa inuu helo fursad uu uga soo muuqdo euro 2016.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles