(Paris) 25 Maajo 2016 Xiriirka kubadda cagta dalka France ayaa si rasmi ah u xaqiijiiyay in daafacooda Raphaël Varane uu seegi doono dhacdada Euro 2016.
Laacib kaan ayuu dhaawac ka soo gaaray bowdada xili uu ku guda jiray isku diyaarinta kulanka Final-ka Champions League ee sabtiga soo socda.
Real Madrid ayaa horay u xaqiijisay in daafacooda Raphaël Varane uu ka maqnaan doono final-ka koobka horyaalada yurub, France ayaana markeeda shaacisay inuu ka maqnaan doono koobka qaramada qaarada yurub.
Tababare Didier Deschamps ayaa badalka Raphaël Varane u yeeray daafaca kooxda Sevilla Adil Rami kaas oo qaab ciyaareed wacan soo bandhigay xiliciyaareed kan.
Gool FM