Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

XAN: Kooxda PSG oo u muuqata inay Arsenal ku garaacday saxiixa Kante

$
0
0

kante

(Leicester) 25 Maajo 2016 – Kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ee Waddanka Faransiiska ayaa u muuqata mid kaga adkaatay Arsenal tartanka loogu jiro saxiixa N’Golo Kante, sida ay warinayso Le Parisian.

Kooxda haysata horyaalka Ligue 1 ee Waddanka Faransiiska ayaa la kulantay wakiillo ka socda laacibkan khadka dhexe ee Leicester City labo jeer bishii April, waxaana loo sheegay in mushaarka loo kordhinayo, kaddib markii uu diiday mushaarkii hore ee loo soo bandhigay.

Kante, kaasoo 20 milyan oo bound lagu burburin karo heshiiskiisa ayaa iska diiday dalab ay kooxdiisa ku doonaysay inuu heshiis cusub ugu saxiixo, waxaana uu qarka u saaran yahay inuu xagaagan ka tago kooxda Leicester, kaddib markii uu hoggaamiyey Premier League, markii ugu horreysay.

Arsenal ayaa weli isha ku heysa 25-sano jirkaan, laakiin waxa ay isku dayeen in ay ku doodaan lacag ka hoosaysa midda lagu burburin karo qandaraaska xiddigan reer France, taasoo wadada u xaareysa inuu si fudud ugu dhaqaaqo PSG.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles