Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

PSG oo doonaysa in saxiixa Alvaro Morata ay ka dul qaado Real Madrid iyo Arsenal

$
0
0

(Paris) 27 Maajo 2016 Kooxda PSG ee dalka France ayaa doonaysa inay ka afduubato Alvaro Morata kooxaha beegsanaya saxiixiisa sida Real Madrid iyo Arsenal.

L’Equipe ayaa shaacisay in masuuliyiin ka socda kooxda PSG ay kulan kula yeesheen wakiilka Alvaro Morata maqaayad ku taala Paris oo ay iska leeyihiin shiinays arbacadii.

Kooxda reer France ayaa wax ka waydiisay wakiilka Alvaro Morata suuro galnimada uu ugu soo biiri karo suuqa xaggaagan haddiiba uu ka tagayo kooxdiisa Juventus.

Real Madrid ayaa ah dooqa koowaad ee dib u soo iibsiga Morata kuwaas oo ku soo ceshan kara aduun dhan 30 milyan oo euro.

Sidoo kale Arsenal ayaa aad u doonaysa laacibka reer Spain kaas oo ka caawiyay kooxdiisa Juventus hanadshada Coppa Italia.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles