Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

RASMI: Jeremy Mathieu oo seegi doona Euro 2016 iyo badalkiisa oo lamagacaabay

$
0
0

(Paris) 28 Maajo 2016 Musiibada xulka martigalinaya koobka qaramada qaarada yurub ee France ayaa sii kordhaysa kadib markii la xaqiijiyay in Jérémy Mathieu uu seegi doono Euro 2016.

Xiriirka kubadda cagta dalka France ayaa xaqiijiyay in daafaca kooxda Barcelona ee Jérémy Mathieu uu dhaawac ka soo gaaray canqawga ku seegi doono koobka qaramada qaarada yurub.

Baaritaano dheerad ah oo lagu sameeyay dhaawaca laacib kaan ayaa xaqiijiyay inuusan si buuxda taam ugu noqon karin kulamada xulka qaranka uu ciyaari doono koobka euro.

Waa daaficii 2-aad ee isbuuc gudihiis la xaqiijiyo inuu ka maqnaan doono xulka qaranka Faransiiska koobka qaramada qaarada yurub kadib Raphael Varane.

Tababare Didier Deschamps ayaa durbadiiba magacaabay badalka Jeremy Mathieu, waxaana loo yeeray 22 jirka daafaca uga ciyaara Lyon ee Samuel Umtiti.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles