(Paris) 29 Maajo 2016 Laacibka kooxda PSG Marco Verratti ayaa soo jeediyay in kooxdiisa la keeno Messi, Ronaldo iyo Neymar midkood si uu u buuxiyo booskii uu ka baxay Zlatan Ibrahimovic.
Marco Verratti ayaa sheegay inay aad u adagtahay in l helo badalka Ibrahimovic kaas oo uu ku tilmaamay laacib aad u xoogan.
23 jirka reer talyaani oo ka hadlay bixitaankii Zlatan ayaa yiri:
“Zlatan? Waa laacib aysan suuro gal ahayn in laga maarmo, ciyaartoy aad u yar ayaa ka xoog badan isaga, sidaas darteed waa inaan keensanaa Ronaldo, Messi ama Neymar midkood”.
Laacib kaan oo dhaawac ku seegaya Euro 2016 ayaa ka hadlay sida uu uga murugaysan yahay inuu ka maqnaado dhacdadaas wayn wuxuuna yiri:
“Aad ayaan u dhibtooday markii aan ogaaday inaan dhaawac ku seegayo euro 2016, laakiin tani waa kubadda cagta, haatan waxaan u baahanahay inaan xooga saaro kaliya sidii aan dhaqso ugu soo caafimaadi lahaa”.
Gool FM