Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Olivier Giroud oo u jawaabay taageerayaasha xulka qaranka France: Benzema ma joogo halkaan”

$
0
0

(Paris) 31 Maajo 2016 Weerar yahanka xulka qaranka faransiiska ee Olivier Giroud ayaa ka xumaaday orintii uu xalay kala kulmay taageerayaasha xulkiisa qaranka kulankii ay 3-2 uga adkaadeen Cameroon.

Ka hor ciyaarta iyo xitaa kadib taageerayaasha ayaa ku orinayay Olivier Giroud iyaga oo ku heesayay “Benzema ayaan doonaynaa inuu ciyaaro euro” hadalkaas ayaana aad u gubay weerar yahanka kooxda Arsenal.

“Ma fahmi karo orinta taageerayaasha, ka hor ciyaarta iyo ciyaarta gudaheeda inkasta oo aan dhaliyay gool” ayuu yiri Olivier Giroud dhamaadkii ciyaarta.

“Waa ceeb waxa ay samaynayaan, waa inay na taageeraan, waan ogahay inay doonayaan Benzema, aniga xitaa waan doonayay laakiin halkaan ma joogo waa inay taas aqbalaan”.

“Waxay u muuqataa in maqnaashaha Benzema uu sababi doono in aniga iyo Gignac aan dhibtoon doono”.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles