(Paris) 02 Juunyo 2016 Laacibkii diirada u saarnaa kooxda Barcelona ee Hatem Ben Arfa ayaa ku sii dhawaanaya ku biirida kooxda PSG ee dalka France.
Wargayska LeParisien ee dalka France ayaa daabacay saaka in wadahadalo hormar leh ay u socdaan Hatem Ben Arfa iyo masuuliyiinta kooxda PSG si uu ugu biiro xaggaagan.
Qandaraaska Hatem Ben Arfa uu kula jiro kooxda Nice ayaa ku eg 30-ka bishaan June, waxaana aad loola xiriiriyay kooxda Barcelona.
Hatem Ben Arfa ayaa horay u sheegay inuu ku biiri doono mid kamid ah kooxaha ugu wayn qaarada yurub laakiin haatan wuxuu aad ugu sii dhawaanayaa ku biirida kooxda macalin Laurent Blanc.
Gool FM