Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

PSG oo qiimo qaali ah ku doonaysa kubadd sameeyaha Liverpool ee Philippe Coutinho

$
0
0

(Paris) 03 Juunyo 2016 Kooxda reer France ee PSG ayaa indhaheeda u soo weecisay laacibka qadka dhexe ee kooxda Liverpool Philippe Coutinho.

Sida ay shaacisay Le 10 Sport kooxda macalin Laurent Blanc ayaa beegsanaysa laacibka reer Brazil ee kooxda Liverpool Philippe Coutinho kaas oo ku jira qaab ciyaareed aad u fiican.

PSG ayaa ogaatay in xaggaagan aysan suurogal u ahayn helida laacibka Chelsea ee Eden Hazard taas ayaana ku qasabtay inay u weecdaan Philippe Coutinho.

Kooxda reer France ayaa la shaaciyay inay diyaar latahay qiimo dhan 46 milyan oo Ginni si ay ugu qanciyaan Liverpool iibka laacibka reer Brazil.

Philippe Coutinho ayaa kula jira qandaraas ku eg 2020 kooxdiisa Liverpool laakiin rabitaankiisa ku aadan ka ciyaarida Champions League ayaa lagayaabaa inay ku riixdo ku biirida PSG.

23 jirka reer Brazil ayaa ku soo biiray Liverpool 2013 markaas oo uu Anfield ugu soo dhaqaaqay aduun dhan 8.5 milyan oo Ginni.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles