Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Kooxda Paris Saint-Germain oo wadahadallo la bilowday Macallin Diego Simeone

$
0
0

simeone-en-del-psg

(Paris) 03 Juunyo 2016 – Kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ee Waddanka Faransiiska ayaa la soo warinayaa inay qorsheynayso inay soo qaadato tababaraha kooxda Atletico Madrid ee Diego Simeone, si ay bedel uga dhigaan macallinkooda haatan ee Laurent Blanc.

46-sano jirkaan ayaa la rumeysan yahay inuu ka fikirayo mustaqbalkiisa garoonka Vicente Calderon, kaddib markii gool ku laadyo (rigooreyaal) looga adkaadatay kulankii final-ka Champions League oo ay la ciyaareen Real Madrid.

Inkastoo uu Blanc si raaxo leh ugu hoggaamiyey PSG hanashada horyaalka Ligue 1, haddana waxaa jira warar sheegaya in kooxdu ay doonayso tababare cusub.

Sida ay warinayso RMC Sport, Madaxda kooxda PSG ayaa indhaha ku haya inay shaqaaleysiiyaan macallin Simeone, waxaana la sheegayaa inay wadahadallo la bilaabeen tababaraha reer Argentine.

Tababare Diego Simeone ayaa mas’uul ka ah kooxda Atletico Madrid tan iyo sanadkii 2011-kii.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles