(PSG) 14 Nof 2018. Difaaca reer Brazil iyo kooxda Paris-Saint-Germain Dani Alves ayaa sheegay in saaxiibkiis Neymar Jr uu noqon doono laacibka ugu fiican aduunka hadii uu tababare u noqdo Pep Guardiola.
Neymar Jr ayaa yimid safka kooxda Barcelona sanadii 2013, balse nasiib ma uusan u yeelanin inuu ka hoos shaqeeyo macalinka reer Spain ee Guardiola, maadaama uu Cump Nou ka dhaqaaqay kahor inta uusan bilaaban xili ciyaareedka.
Sidoo kale Neymar Jr ayaa sanadii 2017 wuxuu ugu biiray Paris-Saint-Germain aduun dhan 222 million euro, kaasoo ahaa qiimaha lagu kansalay heshiiska uu ku joogay garoonka Cump Nou.
Dani Alves ayaa wareysi uu ku bixiyay wargeyska “AS” ee dalka Spain wuxuu kaga hadlay saaxiibkiis ay isku dalka kasoo wada jeedaan ee Neymar Jr:
“Waxaan u maleenayaa hadii uu Neymar Jr tababar la sameyn lahaa Pep Guardiola wuxuu noqon lahaa ciyaaryahanka ugu fiican aduunka shaki la’aan”.
“Neymar Jr wuxuu ka mid yahay ciyaartoyda xiligan ugu fiican kubada cagta, hadii uu la joogi lahaa Guardiola wuxuu sameyn lahaa waxyaabo waaweyn”.
Gool FM.