(Latin) 01 Feb 2019. Gooldhaliyaha reer Uruguay iyo kooxda Paris St Germain Edinson Cavani, ayaa loo caleemo saaray abaal marinta xidiga ugu fiican kubadda cagta ee Latin America 2018.
Edinson Cavani ayaa wuxuu abaal marintan ku garaacay magacyada xidigo waaweyn, sida xidiga ay isku dalka kasoo wada jeedaan ee Luis Suarez, laacibka reer Argantina Lionel Messi,Neymar Jr, iyo kuwo kale.
Cavani ayaa boggiisa rasmiga ah ee Instagram-ka soo dhigay qoraal isagoona soo raaciyay sawirka isaga oo loo caleemo saarayo abaal marintan wuxuuna yiri:
“Anigu waxaan aqbalayaa inaan gudoomo abaalmarintan, kaliya ma ahan in sanadkii lasoo dhaafay aan qabtay shaqo fiican, ee sidoo kale waxaan bixiyay dadaal iyo dulqaad”.
“Waxay farxadan igu dhiiragalineysaa inaan horey u sii socdo, waxay tani xaqiijineysaa in shaqo walba ee la qabto miraheeda la guranayo”.
Yeelkadeed, Edinson Cavani ayaa abaalmarintan ka helay wakaaladda wararka Spain ee EFE.
Cavani ayaa hadalkiisa ku soo xiray: “Abaalmarinta EFE waa sharaf aad u weyn, waxayna igu dhiirigelin doontaa in aan u dagaalamo rajooyin kale waaweyn ee aan ka leeyahay kubada cagta”.
Gool FM.