(Paris) 04 Feb 2019 Markii shirkaddii baadi goobeysay halkii ay martay diyaaraddii la waayay ee uu saarnaa laacibkii hore ee Nantes Emiliano Sala ay ku dhaawaqday in ay baaristaasi joojisay ayaa waxaa taageerayaasha kubadda cagtu ay bilaabeen in ay lacag ururiyaan si aan looga quusan soo helidda xidiggaasi nolol iyo geeri.
27-kii December ayay taageerayaashu fureen Akoon dhanka ‘GoFund me’ ah oo ay lacago ku ururinayeen hadba qof walba intii uu awooday.
Taageerayaasha ayaa aad la yaabay markii ay magaca laacibka kooxda Paris Saint-Germain iyo xulka Faransiiska Kylian Mbappé ku arkeen liiska dadka lacagaha ku deeqay, iyadoo Mbappé uu bixiyay 30,000 oo Euro (34,000 dollar).
Lacagihii tabarucaadda ahaa ee Sala loo aruuriyay ayaa kor u dhaafay 300,000 oo Euro, taasoo keentay in loo soo kireeyo shirkad gooni loo leeyahay oo nuuca shilalka badaha baara ah, taasoo isla maanta ku dhawaaqday in ay soo heshay diyaaraddii dhacday ee uu saarnaa Sala iyo Duuliye David Ibbotson.
Shirkaddii baarista wadday ayaa heshay meyd diyaaradda saarnaa iyadoo aan weli la faah faahin geba gebada baaritaankani hase yeeshee waxay shirkaddu la xiriirtay qoyska Emiliano Sala oo ay ku war gelisay in diyaaraddii oo inteeda badan aan waxba ka maqneyn la helay.
Diyaarddii la soo helay ee Emiliano Sala
Gool FM