(Europe) 08 Feb 2019. Waxaa ugu dambeyn la xaqiijiyay inuu Geeriyooday ciyaaryahan Emiliano Sala kaddib markii la soo helay Meydkiisa.
Meydka ayaa Arbacadii laga dhex helay diyaaraddii yareyd ee uu la socday taasoo laga soo saaray gunta biyaha hoose ee badda Woqooyinka Guernsey, kaddib muddo labo todobaad ah oo la waysanaa.
Diyaaradda nuuceedu ahaa Piper Malibu N264DB ayaa la waayay 21-kii Janaayo mar ay ka soo socotay Nantes kuna soo jeedday Magaalada Cardiff, si uu laacibka Sala 15-milyan oo gini ugu soo biiro kooxdiisa cusub ee Premier League Cardiff City.
Haddaba Madaxweynaha kooxda FC Nantes ee Waldemar Kita ayaa xaqiijiyey in shaqada laga fariisiyey oo hawl-gab laga dhigay lambarkii uu naadiga u xiran jiray Emiliano Sala.
Waldemar Kita waxa uu shaaca ka qaaday in lambarka 9-aad ee uu kooxda u xiran jiray ciyaaryahan Emiliano Sala meel la dhigi doono oo aan lagu ciyaari doonin si loogu xusuusto Sala.
Gool FM.