Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Haddii aad ogeed Neymar iminkana laacib kale oo weyn ayaa ka dhaawacmay kooxda PSG ka hor kulanka Man United

$
0
0

(Paris) 09 Feb 2019. War farxad leh ayaa u soo yeeraya kooxda Manchester United kaddib markii laacib kale oo weyn uu ka dhaawacmay naadiga PSG saddex maalin uu ka hor kulankooda Champions League.

Horay waxaa kooxda reer France uga dhaawacnaa Neymar Jr, iminka waxaa ka dhaawacmay Weeraryahankeeda kale ee Edison Cavani.

Edison Cavani ayaa ka dhaawacmay kooxda Paris Saint-Germain kaliya saddex maalmood ka hor kulanka ay la leeyihiin Manchester United ee Champions League.

Xiddiga xulka qaranka Uruguay oo 31-sano jir ah ayaa laga saaray qeybta hore kulanka ay dhowaan PSG horyaalka Ligue 1 la ciyaartay naadiga Bordeaux kaddib markii uu soo gaaray dhaawac bowdada ah.

PSG ayaa guul 1-0 ka gaartay Bordeaux, Cavani ayaana gool rigoore ah qeybta hore u dhaliyey ka hor inta aan garoonka laga saarin, waxaana uu liiska dhaawacyada kooxda reer France kula biiray Neymar Jr.

Xiddiga xulka qaranka Brazil ee Neymar ayaa wajahaya toban isbuuc oo uu garoonada ka maqnaan doono kaddib dhaawac cagta ka soo gaaray.

Horraantii todobaadkan Neymar Jr ayaa xafladda dhalashadiisa 27-aad ku dhigtay Caasimadda Faransiiska, waxaana uu soo xaadiray isagoo biro ku boodaya.

Lama garanayo weli inta ay qaadan karto mudada uu garoomada ka maqnaan karo Cavani, laakiin waxa ay u muuqataa inaan halis la gelin doonin kulanka Manchester United ee bartamaha todobaadkan.

Man Utd ayaa garoonkeeda Old Traffrod ku soo dhoweyn doonta naadiga PSG Talaadada lugta hore ee wareegga 16-ka Champions League.

Haddii uusan dhaawaca Cavani aad halis u ahayn waxa uu taam u noqon karaa lugta labaad ee wareegga 16-ka Champions League oo magaalada Paris lagu ciyaari doono 3 bisha Maarso ee soo aaddan.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles