(Paris) 10 Feb 2019. Labada Weeraryahanka ee kooxda PSG Edison Cavani iyo Neymar Jr ayaa la filayaa inay dhaawacyo ku seegaan kulanka todobaadkan ee Champions League oo ay wajahayaan Man Utd.
Horay waxaa kooxda reer France uga dhaawacnaa Neymar Jr, iminka waxaa ka dhaawacmay Weeraryahankeeda kale ee Edison Cavani.
Cavani ayaa ka dhaawacmay kooxda Paris Saint-Germain kaliya maalmo yar ka hor kulanka ay la leeyihiin Manchester United ee wareegga 16-ka Champions League.
Xiddiga xulka qaranka Uruguay oo 31-sano jir ah ayaa laga saaray qeybta hore kulanka ay xalay PSG horyaalka Ligue 1 la ciyaartay naadiga Bordeaux oo ay 1-0 ku adkaatay kaddib markii uu soo gaaray dhaawac bowdada ah.
Horraantii todobaadkan Neymar Jr ayaa xafladda dhalashadiisa 27-aad ku dhigtay Caasimadda Faransiiska, waxaana uu soo xaadiray isagoo biro ku boodaya.
Man Utd ayaa garoonkeeda Old Traffrod ku soo dhoweyn doonta naadiga PSG Talaadada lugta hore ee wareegga 16-ka Champions League, waxaana la saadaalinayaa in labada weeraryahanka ee PSG Cavani iyo Neymar ay seegayaan kulankan.
Haddaba waxaan halkaan hoose idinkugu soo gudbinaynaa rikoorka labadan laacib kulamadii ay ciyaareen Champions League xilli ciyaareedkan, goolashii ay ka dhaliyeen tartankan iyo weliba caawintii ay sameeyeen.
Kooxda PSG ayaa tartanka Champions League xilli ciyaareedkan ka dhalisay 17-gool, Neymar iyo Cavani ayaana dhaliyey ama caawiyey 11-gool oo ka mid ah goolashaas.
Min lix kulan oo ay xilli ciyaareedkan ciyaareen Champions League Neymar Jr ayaa dhaliyey 5-gool, waxaana uu caawiyey 2-gool oo kale, halka Cavani uu dhaliyey 2-gool, isla markaana uu caawiyey 2-gool oo kale.
Gool FM.