(Paris) 10 Feb, 2019 Warbaahinta waddanka Faransiiska ayaa xaqiijisay in taageerayaal badan oo Faransiis ah ay xaadiri doonaan garoonka Old Trafford si ay u taageeraan naadigooda Paris Saint-Germain oo Talaadada garoonkaasi kulan adag oo ka tirsan wareegga 16-ka ee Champions League kula ciyaari doonta Manchester United.
Wargeyska ‘L’Equipe’ ee ka soo baxa Faransiiska ayaa qoray in 3,500 oo taageerayaal PSG ah ay u safri doonaan Ingiriiska si ay niyadda ugu dhisaan kooxdooda PSG oo dhaawac ahaan la filayo in ay kaga maqnaan doonaan labada xiddig ee kala ah Neymar Junior iyo Edinson Cavani.
Taageeryaaasha PSG ayaa loo qorsheeyay inay fariistaan laba qaybood oo garoonka Old Trafford ah oo midi ka dambeyso goosha, waxaana Thiago Silva iyo saaxiibadiisa PSG ay xoogga saari doonaan inay daboolaan maqnaanshaha saaxiibadooda dhaawacyada ku maqan.
Dhanka kale lugta labaad ee ciyaarta 16 dhammaadka Champions League waxaa labada naadi ee PSG iyo Manchester United ay 06/03/2019 ku wada dheeli doonaan garoonka ‘Le Parc des Princes’ ee magaallada Paris.
Gool FM