Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

DEG DEG: Kooxda PSG oo xaqiijisay xiddigaha seegaya kulanka Man United ee Champions League

$
0
0

(Paris) 10 Feb 2019. Kooxda kubadda cagta PSG ee Waddanka Faransiiska ayaa xaqiijisay xiddigaha dhaawaca ku seegi doona kulanka todobaadkan Manchester United ee Champions League.

Edinson Cavani ayaa seegi doona kulanka PSG ay Talaadada habeenkeeda la ciyaari doonto Manchester United ee Champions League, sida ay kooxdu xaqiijisay.

Kaddib markii uu u dhaliyey goolkii furitaanka ee ay kaga adkaadeen Bordeaux kaasoo ahaa rigoore habeenkii xalay kana tirsanaa horyaalka Ligue 1, Cavani ayaa garoonka laga saaray ka hor inta aysan dhammaanin qeybta hore ee ciyaarta kaddib markii uu soo gaaray dhaawac bowdada ah.

Kooxda reer France ayaa haatan xaqiijisay maqnaanshaha Weeraryahankeeda: “Tijaabooyin la sameeyey ayaa lagu ogaaday inuu Cavani dhaawac ka qabo sinta midig,” sidaas ayaa lagu sheegay warbixin goor dhow ka soo baxday kooxda.

“Daaweynta iyo mudada uu garoomada ka maqnaanayo ayaana ku xirnaan doonta qaabka uu dhaawacaas uga soo bogsoodo maalmaha soo socda.”

PSG ayaa sidoo kale shaacisay maqnaanshaha kulanka Man United difaaceeda garabka midig ee Thomas Muenier, xiddiga xulka qaranka Belgium ayaa sidoo kale laga saaray kulankii xalay ay kooxdiisu guusha ka gaartay Bordeuax.

Bayaan ka soo baxay kooxda Faransiiska ee PSG ayaa lagu xaqiijiyey in Meunier uu la dhibtoonayo murgacasho, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in baaritaanno dheeri ah la marsiiyo dhammaadka isbuuca soo socda.

Neymar ayaa horay loo shaaciyey inuu seegi doono labada lug ee wareegga 16-ka Champions League oo ay la ciyaari doonto kooxdiisa PSG naadiga Man United, tanina waxa ay cadaadis ku tahay Kylian Mbappe oo ah weeraryahanka kaliya ee ay kooxdu ku tashanayso kulanka Old Trafford.

Yeelkeede, warka u wanaagsan kooxda PSG ayaa ah in Marco Verratti uu ku soo bilaaban karo kulanka Man United oo taam yahay kaddib markii uu ka soo kabsaday dhaawac Canqowga ah oo uu la maqnaa tan iyo horraantii bishii Janaayo.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles