Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Julian Draxler oo isbar-bardhig ku sameeyey kooxda Manchester United xilligii Jose Mourinho iyo haatan oo uu hoggaamiyo Solskjær

$
0
0

(Yurub) 11 Feb 2019. Ciyaaryahanka reer Germany iyo kooxda Paris Saint-Germain Julian Draxler ayaa xaqiijiyay in Manchester United ay si fiican u ciyaareysay waagii uu tababaraha ka ahaa Jose Mourinho.

Hadalka Julian Draxler ayaa wuxuu imaanayaa kahor kulanka ay kooxaha Paris Saint-Germain iyo Manchester United ku wada ciyaari doonaan wareega 16-ka tartanka Champions League, wuxuuna ku dooday in Red Devils ay u ciyaareyso si isku mid ah xiligii Mourinho iyo xiligan la joogo uu leylinayo tababare Ole Gunnar Solskjær.

Image result for Mourinho and Solskjær

25 jirkan reer Germany ayaa dhinaca kale sheegay in farqiga kaliya jira uu yahay in Manchester United ay haatan heshay kalsooni weyn tan iyo markii uu kooxda yimid Ole Gunnar Solskjær.

“Manchester United waxay soo wada guuleysatay dhamaan kulamadii ay soo ciyaartay dhawaanahan, waxay haatan ku jiraan xaalad wanaagsan, tan iyo markii uu yimid Ole Gunnar Solskjær”.

“Laakiin sidoo kale waxay ahaayeen kuwo si fiican u ciyaarayay, marka uu macalinka ka ahaa Jose Mourinho, laakiin farqiga haatan jira ayaa ah inay qabaan kalsooni”.

“Manchester United waxay noqotay koox halis ah, balse waxaan qabaa inay kooxdeena ay aad u xoogan tahay, sidaas darteed kulanka soo aadan wuxuu noqon doonaa mid aad u xiiso badan, waxaana rajeyneynaa inaan natiijo fiican ka helno iyaga”.

Si katsaba habeen dambe ee Talaadada ah  ayay isku wajihi doonaan labada kooxood Manchester United iyo Paris Saint-Germain, kulankooda lugta koowaad wareega 16-ka tartanka Champions League, wuxuun kulankan ka dhici doonaa garoonka caalamiga ah Old Trafford ee kooxda Red Devils.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles