(PSG) 11 Feb 2019. Goolhaayha kooxda Paris Saint-Germain ee Gianluigi Buffon ayaa carabka ku adkeeyay muhiimada ay leeyihiin saddexda xidig ee kooxda Juventus, isagoo sheegay inay adag tahay in la bedelo.
Gianluigi Buffon ayaa wareysi uu ku bixiyay shabakada caanka ah “Calcio Mercato” ee dalka Talyaaniga wuxuu ku sheegay:
“Bonucci iyo Chiellini, lagu daray Barzagli, waxay muhiim u yihiin kooxda Juventus, waa difaacyo aad u fiican, sidoo kale waa hogaamiyaal waaweyn”.
“Marka ay baxaan, way adkaan doontaa in la badalo, lakiin Juventus waa ogtahay sida loo helo ciyaartoy fiican”.
Intaas kadib Gianluigi Buffon ayaa wuxuu fariin u diray xidiga khadka dhexe reer France iyo kooxda Manchester United ee Paul Pogba wuxuuna yiri:
“Pogba waa wiil cajiib ah, waa inuu is dajiyaa”.
Xidigaha Buffon iyo Pogba ayaa waxay si wada jir ah kaga soo wada ciyaareen kooxda JUventus, balse habeen dambe ayay isaga hor imaan doonaan wareega 16-ka tartanka Champions League iyagoo kala matalaya kooxaha Manchester United iyo PSG.
Gool FM.