Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Muxuu ka yiri Paul Pogba badalkii xalay lagu sameeyay?

$
0
0

(Paris) 11 Juunyo 2016 Laacibka qadka dhexe ee xulka qaranka France ee Paul Pogba ayaa badal lootaagay xalay kadib markii uu soo bandhigay qaab ciyaareed aad u hooseeya.

Tababare Didier Deschamps ayaa go’aansaday inuu ciyaarta ka saaro Paul Pogba qaybtii dambe waxaana lagu badalay weerar yahanka Man United ee Martial.

Paul Pogba ayaa wax caadi ah ka soo qaaday badalkii looga saaray ciyaarta wuxuuna intaa ku daray in shaxda ku soo bilaabatay aysan ahayn inay wada ciyaaraan 90-ka daqiiqo ee ciyaarta.

“Waa wax iska caadi ah in badal la sameeyo, shaxda ku soo bilaabata ma ahan inay wada ciyaarayaan 90-ka daqiiqo ee ciyaarta, ciyaartoyda badalka ku soo galay awood aan u baahnayn ayeey nasiiyeen” ayuu ku jawaabay Pogba mar wax laga waydiiyay badalkii lagu sameeyy xalay.

“Waan ogayn in ciyaartu ay noqon doonto mid aad u adag, 15-kii daqiiqo ee ugu horaysay sifiican ayaan u ciyaarnay kadibna gool ayaan dhalinay, dhamaanteen waan faraxsanahay” ayuu sii raaciyay.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles