(Manchester) 30 Maarso 2019. Waxaa la soo warinayaa in kooxda Manchester United ay Paris Saint-Germain kula tartamayso saxiixa weeraryahanka Juventus ee Douglas Costa suuqa kala iibsiga xiddigaha ee xagaagan.
Costa aya dhaliyey lix gool intii lagu guda jiray heshiiska amaahda ah ee uu ku joogay kooxda Juve xilli ciyaareedkii hore ka hor inta aan la dhammaystirin heshiiskiisa joogtada ah ee uu Bayern Munich uga soo dhaqaaqay kooxda difaacanaysa horyaalka Talyaaniga.
28-sano jirkaan ayaa kaliya hal gool dhaliyey horyaalka Serie A xilli ciyaareedkan, laakiin ma uusan ciyaarin tan iyo bilowgii bishii Febraayo, maadaama uu garoomada kaga maqan yahay dhaawac ka soo gaaray dhanka muruqa.
Man United ayaa la la xiriirinayaa inay u dhaqaaqdo soo xero gelinta xiddigan, kooxda 20-ka goor ku guuleysatay horyaalka Ingiriiska ayaana diyaar u ah inay horumariyaan shaxdooda xagaagan.
Tuttosport ayaa warinaysa in PSG ay xiiseynayso xiddiga ka soo jeeda Koofurta Mareykanka, iyadoo kooxda haysata horyaalka Faransiiska ay haatan isku diyaarinayso inay dalab ka gudbiso.
Arrintaas ayaa waxa ay caqabad ku tahay kooxda Manchester United oo doonaysa inay la saxiixato xiddiga reer Brazil, dagaalka loogu jiro saxiixa Costa ayaana dhex-mari doona kooxda PSG iyo Man Utd.
Costa ayaa ku dhawaad 200 oo kulan u ciyaaray kooxda Shakhtar Donetsk ka hor inta uusan u dhaqaaqin Bayern bishii July ee sanadkii 2015-kii.
Gool FM.