(France) 25 Maajo 2019. Paris St Germain ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay heshiiska u kordhisay macalinka kooxdeeda ee Thomas Tuchel, kaasoo gaaraya ilaa iyo 2021.
Tochel ayaa qabtay kooxda PSG xagaagii 2018, kaddib markii uu shaqada ka badalay macalinka haatan leyliya Arsenal ee Unai Emery.
Inkastoo ay kooxda Paris St Germain ku soo hartay wareega 16-ka ee tartanka Champions League, kaddib markii ay guuldaro niyadjab ah kala kulmeen Manchester United, hadan waxay ku guuleysteen horyaalka Faransiiska sida caadiga ah madaama ilaa iyo haatan la la’ayahay koox kula dagaalanta.
Waxay u muuqataa in nidaamka haatan ee Paris Saint Germain uu ku xirnaan doono inta badan xajinta kooxda, sidaas darteed waxay heshiis sanad kale ah ka saxiixdeen macalinkooda Thomas Tuchel.
Jose Mourinho ayaa ahaa macalinka sida xoogan lala xiriirinayay inuu noqon doono badalka Thomas Tuchel ee kooxda PSG hadii ay dhacdo in macalinka reer Germany shaqada laga ceyriyo. laakiin xaalada wey isbedeshay, waxayna haatan u muuqataa in macalimiinta Jose iyo Antonio Conte si aad ah loola xiriirin doono kooxda Inter Milan.
Gool FM.